Shariif Xasan Wuxuu Hoosta Ku Wataa Mooryaantii Xasuuqa Ka Gaysatay Bay, Bakoo iyo Sh/hoose: Sax Soo Ma Aha In Asaga Meesha Laga Tuuro?

Somaliweyn waxay kawada markhaati ahaayeen qabiilka Hawiye markay USC ahaayeen xasuuqii ay dad badan u gaysteen. Dadkaa waxaa ka mid ahaa Raxanweyn iyo reer Sh/hoose. Dowladii Soomaaliya ayaa dadka awal ka difaaci jirtay cidkasta oo ku soo xadgudbi lahayd. Markay dowladii dhacday waxaa isku soo baxay dad kaligood hubaysan iyo dad aan hubaysnayn. USC yaa ka nabad galay?

Waxay socotaba 1992 markii la soo gaaray USC waxay si toos ah u qabsatay Raxanweyn oo dhan, waxay haysteen ilaa 1999. Mudadaa xasuuqay gaysteen intuu le’ekaan karaa?

 Xasuuqay gaysteen inyar oo ka mid ah

1992 waxay gaysteen xoolo dhicid, dukaamadii oo la boobay, bakhaaradii oo la boobay, beerihii oo lugu daray. Ka dib waxaa ka dhashay abaartii caanka ahayd ee 1992 ee aduunku soo gurmaday. Qofkii maanta internetka ka fiiriya sawiradii wuxuu arkayaa kuwo aan la fiirin karin dadku say u ekaadeen darteed.

Dadka waxaa isugu darsamay cuntadii oo USC ka dhacday iyo abaartii oo isku soo aaday. UN-ta ayaa soo gurmatay cuntay keentay, saa tiina waa laga sii dhacay. Dadka Raxanweynta ah ee maanta qaxootiga ku ah xeryaha Kenya soo waagaa USC halkaa may gayn.

Dadkaas markay qaxootiga soo gaarayeen waagaas waxay ka sheekeeyeen sheekooyin aad ka naxaysid oo ka ooyasid. Waxaa ka mid ahaa lugtii ay ka soo bilaabeen Bay iyo Bakool inay in badan oo ka mid ah jidka dhexe ku soo dhamaadeen oo xataa caruur ay ka midtahay! Dhulkii oo kala fog, oonka, gaajada, kulaylka, abaarta, dilka, kufsiga. Waxaas waxaa gaysanayay Hawiye iyo Caydiid ragiisii.

Waxaan xasuustaa dadkii Daaroodka ahaa oo toodii qaxootiga ku haysato inay Raxanweyntii soo rafaaday u gurmadeen oo cuntadii yarayd ee ayaka la siiyay ay wax ka siiyeen. Dad ayaa xaafadaha dhex wareegi jiray ayagoo cunto dadka u uruurinaya, 1992 xerada qaxootiga liboye!

Ogow wixii sanado ka dambeeyay Habargidir way sii waday kufsigii, xasuuqii, guryo dadka laga bixiyo, guryo laga gubo, qofkii suuqa xoolo keenay oo gurigiisa ku noqda asagoo faro maran.  Wuxuu ahaa gumaysi meesha ugu xun!

Aakhirkii rab baa markay adkaysan waayeen dhexda xirtay oo Ethiopia hub u doontay ileen waxa lugu ciilay waa hub la’aantee. Ragaa waxaa ka mid ahaa C/raxmn Zope, Shaati guduud, C/le Deerow Isaaq, Xaabsade, Sheekh Aadan Madoobe iyo rag kale oo badan. Dagaalkii dheeraa ay galeen waxaa ku dhintay wiilal badan oo Raxanweyn ah oo maanta qubuuro ku jira. Laakiin dhimashadoodii luguma khasaarin sababtoo dadkoodii ayaa ciil baxay.

Maanta xaalku suu yahay?

Maanta oo ah 2017 maalintii dhulka intiisa badan laga xoreeyay waxay ahay 1999, waxaa laga joogaa 18 sano. Ok, maanta dib bay u soo noqdeen oo waxay qabsadeen gobolka Shabeele hoose waxaan u qabtay Xasan Sheekh Maxamuud oo la moodayay madaxweyne Soomaaliyeed. Ayagu xiniinyo ay ku qabsadaan ma lehee waxay isticmaalaan Ciidanka Uganda iyo Burundi. Inay xiniinyo lahayn waxaa cadaynaya markay Uganda meel ka baxdo meeshii ma sii joogi karaan, horay u sii raacaan. Meelahaa waxaa ka mid ahaa Kuntuwarey, Qoryooley, Janaale, iyo wanlaweyn. Markay soo noqdaana way ka soo daba noqdaan! Meelaha ay Uganda ku waardiyayso waxay ka gaysanayeen xasuuqyo badan afartii sano ee la soo dhaafay iyo isbaarooyiin.

Hubka yaa siin jiray?

Dowladii Xasan sheekh waxay siin jirtay hubka aduunka looga soo qaado magac Soomaaliyeed. Waxay kaloo siin jirtay Shiidaal, tikniko, rasaas iyo wixii la mid ah. Dhinaca dowlada Habargidir waxaa ka kaalmaynayay Xasan Sheekh iyo Wasaarada arimaha gudaha oo ku caawinayay wax kasta oo Sh/hoose inay qabsadaan u fududaynayay. Xasan Sheekhna waa nin Hawiyenimo ku caawinaya wasaarada arimaha gudahana waxayba ahayd Habargidir. (wasaarada arimaha gudaha markasta Habargidir baa loo dhiibi jiray arrintaana qoraan kale ayaan sanadkii hore  uga hadlay)

Shariif Xasan

Hadaba reer Koonfur-galbeedow ma garbaa in nimankii xasuuqyadii la soo maray gaystay ay dhulkii dib u qabsadaan Shariif Xasan oo jooga? Wiilashii qabriga u galay dhiigooda ma bilaashaa? Gabdhihii la kufsaday ma bilaashaa?

Soo gar ma aha in Shariif Xasan meesha laga tuuro?

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE