Weerar Hubeysan Oo Lagu Dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Ka Dhacey

Wararka laga helaayo magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay weerareen gaari ay la socdeen Xoghayaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir iyo wiil ay dhashey Batuulo Axmed Gaballe oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka .

Kooxo hubeysan oo watey gaari nooca raaxada ah ayaa rasaaseeyey gaari kale oo ay wateen Xogayahaya Ururka haweenka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo wiil ay dhashay Gudoom iyaha Ururka Haweenka.

Sida wararka aan ku heleyno weerarkan ayaa ka dhacey isgoyska Via Rooma ee degmada Xamar weyne, sida caadada ah kooxaha dilka geystey ayaa ku baxsadey gaariga ay wateen.

Afahayeenaka maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida Xoghayaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in hey’adaha amniga ay daba joogaan kooxaha falka geystey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE