Xildhibaan C.raxmaan Talyanle Oo La Mid Ahaa Xisbiga Kulmiye Oo Ku Geeriyooday Dalka Hindiya

Alle ha Naxariistee waxaa dalka Hindiya ku Geeriyooday Xildhibaan C/raxman Maxamed Talyanle oo kamid ahaa Golaha Wakiilada Somaliland, Kana soo Jeeday Gobolka Sool.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in Xaalad Caafimaad loo geeyay dalkaasi, Iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyay uu Xanuunsayey, Halkaasina uu xalau ku geeriyoodey.

Xildhibaan Talyanle ayaa waxaa siwayn loogu Xasuustaa Doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Hargeysa, Isagoo u Tartamay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Kaasi oo markii dambe la sheegay inuu Helay Baashe Maxamed Faarax.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE