Xildhibaano Baxsad Ka Ah magaalada Cadaado Oo Isku Dhiibey Maamulka Ahlu Sunnah Ee Gobolada Dhexe

Magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar u ah maaulka Galmudug ayaa waxa ka taagan cabdsi iyo xiisad siyaasadeed taas oo keentey in xabsi guri ay galaan qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii ugu sareysey.

Wararka ayaa maanta sheegaya in xildhibaano gaaraya 11 xildhibaan ay kasoo baxsadeen magaalada Cadaado iyagoo isku soo dhiibey Maamulka Ahlu sunnah ee gacanta ku haaya magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanadan ayaa warar kala duwan uu kasoo baxayaa qaabka ay usoo baxsadeen, waxa soo baxaya warar sheegaya in ay naftooda u baqeen maadaama ay ku hubeysneyn Cadaado, waxaana ay ka mid ahaayeen kuwii xalay xilka ka tuurey Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo qalalaase ka dhex abuurey Maamulka fadhigiisu yahay magaalada Cadaado.

Maamulka Ahlu sunnah ayaa la sheegayaa in ragaan baxsadka ah markii hore ay xabsida dhegeen hase ahaatee markii dambe ay sii daayeen, mana la oga ilaa hadda meel lagu haayo.

Cabsi iyo xiisad cirka isku shareertey ayaa ka taagan magaalada Cadaado oo xarun ku meel gaar u ah Maamulka ka taliya qeybo ka mid ah Galguduud iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE