Xildhibaano Loogu Talagaley Inay Dejiyaan Xiisadaha Ka Ooggan Galmudug Oo Gaarey Cadaado (Sawiro)

Xildhiibano ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Galmudug oo maanta gaaray Magaalada Cadaado, ayaa hadda kulan albaabada u xiran yahay la leh Madaxweynaha xilak laga qaadey Axmed Ducaallle Gelle Xaaf.

Xildhibaanadan ayaa waxaa hoggaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, ayaa saaka ka dhoofey magaalada Muqdisho, si ay u xaliyaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Galmudug iyagoo kulamo la qaadan doono dhinacyada is khilaafsan.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Fiqi ayaa sheegay inay Cadaado u aadeen xalinta khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug, isla markaasna waxay ka digeyn in la joojiyo faragelinta ay dowladda ku heyso Maamulka Galmudug.

Safarka Xildhibaanada ayaa imaanaya kadib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geele Xaaf, iyadoo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray go’aanka Xildhibaanada Galmudug inkastoo uusan waraaqdaan waxba kala socon Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Kulankaan ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo laga soo saaro war murtiyeed iyo go’aanka tobankaan Xildhibaan ee ku aadan kiiska Galmudug.

Sidoo kale waxay kulamo la qaadan doonaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo iyaga ku doodayo inay Xabsi Guri ku yihiin Cadaado.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE