Ciidamada Boliiska Oo Soo Bandhigey Madabacado Lagu Daabaco Waraaqaha Been Abuurka Ah Iyo Ragii Daabici Jirey (Sawiro)

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley kusoo qabtey madbacaad lagu eedeeyey in ay daabacdo warqaaha been been abuurka ah.

Madbacadda oo lagu magacaabo Ina Fatax ayaa lagu soo qabtey waraaqooyinka dhalashada ah iyo kuwo loo ekeysiiyo inay ka dambeeyaan Alshabaab oo lagu daadiyo wadooyinka magaalada Muqdisho.

Seddax dhalin yaro, waraaqihii ay daabici jireen qaarkood iyo agabka loo adeegsado daabacaadda ayaa lagu soo bandhigey xarunta tawabarka ciidamada iskuul Boliisyo.

Dadka lasoo qabtey ayaa waxa ku jira nin lagu magacaabo Idaacadda wareegta oo laga yaqaano magaalada Muqdisho kaas oo lagu eedeeyey in waraaqaha uu ku dhex daadin jirey xaafadaha Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE