Dhageyso Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Oo Si Kulal Uga Hadlay Xaalada Amni Ee Magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii shalay ka dhacday degmada Xamar weyne, kaasoo kooxo hubeysan oo gaari wadatay ay ku rasaaseeyeen gaari ay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, waxaana rasaastaas lagu dilay labo qof oo mid ka mid ah uu ahaa wiil ay dhashay Guddoomiyaha.

Wasiir Islow oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiya ayaa sheegay in aan marna loo dulqaadan karin in wixii shalay ka dhacay magaalada, iyadoo waddooyinka magaalada ay ku sugnaayeen ciidamo, isla markaana la xiray jid cadayaasha.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE