Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Maanta U Amba Baxaey magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ka dhoofey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Prof Jawaari iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa kusii jeeda magaalada Qaahira ee magaalada Madaxda dalka Masar, halkaas oo kulamo iyo shirar uu kula soo yeelan doono Gudoonka baarlamaanka dalkaasi.

In k badan 10 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ku wehlisa safarkiisa, iyadoo la sheegayo in wafdigan ay halkaasi u gaari doonaan sida la sheegey mataaneynta labada Baarlamaan.

Safarka maanta uu Jawaari ku aadey Masar ayaa ka dhigan in seddaxda mas’uul ee ugu sareysa dalka ay ku maqanyihiin dalka dibadiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE