Madaxweynihii Xilka Laga Qaadey Ee Galmudug Oo Mamnuucey Diyaaradaha Ka Yimaada Magaalada Muqdisho (Akhriso)

War qoraal ah oo kasoo baxey Xafiiska Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynihii xilka ay ka qaadeen baarlamaanka Galmudug ayuu ku sheegay in la mamnuucey dhamaan duulimaadyada ka yimaada magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu fasaxey kaliya diyaaradaha ay adeegsadaan hey’adaha samafalka iyo kuwa AMISOM, waxaana amarkan lagu wargeliyey Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug, Wasaaradda Amniga Galmudug iyo Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya.

Amarkan ayaa kusoo aadaaya iyadoo maanta la filaayey in Cadaado ay gaaraan xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda fedaraalka si ay qeyb uga noqdaan dadaalada halkaasi ka socda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE