Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhow Ka Dhacay Isgoyska Ceelgaabta Ee Degmada Xamarweyne

Qarax loo adeegsadey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa goor dhow ka dhacay degmada Xamarweyne gaar ahaan Suuqii hore ee Ceelgaabta.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay inta u dhexeysa Maqaayada Isasaar iyo Kaalin shidaal oo ka soo horjeeda agagaarka dhismaha bacadlaha Suuqa Xamar-weyne, halkaas oo uu ka dhashey khasaare xoob leh.

Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa aheyd goob aad u mashquul badan, iyadoo halkaas lagu iibiyo Qaad, islamarkaana ay ku taallao boosteejo laga raro gaadiidka dadweynaha oo u kala gooshaya qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho iyo duleedkeeda.

Weli ma cada khasaaraha tiradiisa hase ahaatee waxa la xaqiijiyey in goobtaas uu ka jiro khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo bur bur hantiyadeed, waxaana sidoo kale la xaqiijiyey in gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad weyne uu goobta ku basbeeley halka ay jiraan gaadiid kale oo waxyeello ay soo gaartey.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE