Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Midowga Afrika Oo Deegaanka Bariire Ku Toogtey Kaamirmaan Lagu Qabtey Dagaalkii Maanta

Ciidamada dowladda ee ka amar qaata Janaraal Sheegow ayaa deegaanka Bariire ku qabtey mid ka mid ah kaamirmaanada Maleeshiyada Alshabaab ee loogu talagalay in ay wax ka duubaan dagaalkii maanta ay soo qaadeen.

Ninkan oo ka mid ahaa maleeshiyadii sida naf lacaarinimada ah uga baxsadey dagaalkii ay ku jabeen xerada Janaraal Sheegow ayaa lasoo qabtey ka dib lagu dhex toogtey bartamaha deegaanka.

Dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacey deegaanka Bariire ayaa banaanka keenay awooda ay leeyihiin Ciidamada deegaanka Nambar 50 iyo kuwa ka amar qaata Janaraal sheego oo difaac adag u galey maleeshiyadii lasoo qaldey ee alshabaab.

Maleeshiyada isbaarooleyda ah ee Liibaan Madaxweyne ayaa go’ay dagaalkii maanta iyadoo lagala wareegay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa todoba gaari iyo hub kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE