Deg Deg Ah Weerar Xoogan Lagu Qaadey Saldhigyo Ciidamada Dowladda Ay Ku Lahaayeen Deegaanka Bariire Iyo Dagaal Xoogan Oo Socda

Wararka aan ka heleyno deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas weerar culus ay ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Dagaalka oo bilowdey aroornimadii sakee ayaa sida wararka aan ku heleyno lagu qaadey laba xero oo ay kala degenyihiin Ciidamo ay kala wataan Janaraal Sheegow iyo dagaal ooge Liiban Madaxwene.

Alshabaab ayaa dagaalada ay saake soo qaadeen ku daah furey weeraro qaraxya ah oo loo adeegsadey baabuur ay wateen naftooda halligiyaal ayaa waxa xigey mid toos ah oo fool ka fool ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka heleyno dagaalka ayaa ku waramaya Alshabaab iyo Ciidamada dowladda uu dhex maraayo dagaal culus, dadka deegaanka ayaa ku waramaya in halkaas ay ka maqlayaan hubka culus.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE