Dhaawacyada Iyo Meydadka Maleeshiyada Liiban Maxweyne Oo Laga Duuliyey Garoonka Diyaaradaha Degmada Nambar 50 (Sawiro)

Diyaaradaha UN-ka ayaa garoonka diyaaradaha degmada Nambar 50, ka qaadey dhaawacyo iyo dhimasho ka dhashay qarax Miino ahaa lagu bartilmaameedsadey gaari uu watey Horjooge Liibaan dhawaaq oo gurmad u ahaa Maleeshiyada Liibaan Madaxweyne.

In ka badan 10 malseehiya ah ayaa qaraxaasi ku geeriyootey halka dhaawaca uu gaarayo in ka badan 15 ruux, oo qaarkood laga deyrinayo xaaladooda caafimaad.

Laba gaari oo Cabdi bile ah oo kasoo baxey Xerada Laanta buuro ayaa mid ka mid ah waxa haleeshey Miino wadada dhinaceeda lagu aasey, waana gaariga uu saarnaa horjooge Liibaan dhawaaq, iyadoo xog aan helnay ay sheegeyso in darawalka iyo horjoogaha kaliya gaarigaas ay bed qabaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE