Gaari Cabdi Bile Ah Oo Ay Miino La Kacdey Iyo Maleeshiyadii Liibaan Madaxweyne Oo Laga Dhigey Wax La Diley Iyo Wax Dhaawac Ah

Waxa si xoog leh ku socda dagaalka maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ku qaadeen xerooyin Milateri oo ku yaalla deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Sida uu sheegayo warar horudhac ah oo aan ka heleyno dagaalka bariire, waxa qarax Miino uu haleeley gaari Cabdi bile ah oo kasoo gurmadey xerada Laanta buuro, gaarigaas ayaa waxa saarnaa mid ka mid ah horjoogayaasha la shaqeeya Liibaan Madaxweyne si uu ugu gurmado dagaalka Bariire ka socda.

Qaraxa ayaa bur bur u geystey inta badan gaariga Cabdi bilaha, khasaaraha horu dhac ah ee laga helay qaraxaaas ayaa sheegaya in lex askari ay dhinteen  halka todoba kale oo dhaawac ah uu soo gaarey.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa la wareegtey Xero ku taalla Galbeedka Bariire halkaas oo ay degenaayeen Maleeshiyaad ka amar qaata Liibaan Madaxweyne, gaadiid dagaal iyo qoryo u badan kuwa lidka diyaaradah oo yiiley xerada ayaa u gacan galay maleeshiyada Alshabaab.

Ciidamada maamulka Nambar 50 oo gurmad ah ayaa badbaadiyey Xerada Janaraal Sheegow oo uu ka dhashay khasaaraha ugu yar ee maanta Bariire ka dhacey.

Weli waxaana idin soo gudbin doonnaa tafaasiil dheeraad ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE