Taliyaha Ciidamada Xoogga Ee Dalka Turkiga Oo Maanta Kasoo Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

General Maxamed Axmed Jimcaale Geedi Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Baker, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyey Garoonka halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa Ciidamo hubeysan, meelaha qaar xitaa looma ogola in ay maraan gaadiidka dadweynaha.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wafdi ballaaran oo ka socda dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgali doona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun Ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho, taasi oo loogu tala galay in lagu tababaro Ciidamada.

Dowladda Turkiga ayaa dhismaha Saldhigan waxa ay ku bixisay Qarash dhan 50 Million oo Dollar, waxaana la bilaabay dhismaha Saldhigan Bishii March ee sanadkii hore.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE