Taliyihii Ciidamada Bangarafta Deegaanka Bariire Oo Ku Geeriyoodey Dagaalkii Cuslaa Ee Saake Aroortii Dhacey

Warar hada soo dhacaya ayaa ku waramaya in wax xoogaa uu istaagey dagaalkii cuslaa ee aroornimadii saake lagu qaadey deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka oo laba xero lagu qaadey ayaa weerarka ugu xoogaanaa waxa la kulmey xero ay isla degenaayeen Maleeshiyaad ka amar qaata Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamo kale oo Bangaraf ah.

Taliyaha Ciidamada Bangarafta oo magaciisa lagu sheegay Mahdi ayaa ku geeriyoodey weerarka aroornimadii saake lagu qaadey deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Xerada uu ku dhintey Taliye Mahdi ayaa waxa lagu gumaadey Ciidamadii ugu badnaa ee halkaasi ku sugnaa, sidoo kale waxa halkaas laga qaatey gaadiid dagaal iyo hub kala duwan oo uu lahaa Liibaan Madaxweyne.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE