Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Bariire, Tirada Maleeshiyada Liibaan Madaxweyne Looga Diley, Dhaawaca Soo Gaarey Iyo Gaadiidka Lagala Wareegey (Warbixin)

Aroornimadii saake deegaanka bariire fariisimayaal Ciidan oo ku yaalla ayaa waxa lagu soo qaadey weerar dhinacyo badan oo qaarkood lagu daah furey qaraxyo loo adeegsadey gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo ay wateen naftooda halligiyaal.

Weerarka ugu culus ayaa shabaabku ku akeeyeen Xero Ciidan oo ku taala Galbeedka deegaanka halkaas oo ay degenaayeen Mlaeeshiyaad intooda badan isbaarooley ahaa oo ka amar qaata dagaal ooge Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamo kale oo ka tirsan Nabad sugidda gaar ahaan qeybta loo yaqaano Danab.

Ciidamada Danab ayaa waxa Taliye ama horjooge u ahaa Nin magaciisa lagu koobay Mahdi oo reer ahaan ay is xigaan Liibaan Madaxweyne looguna talagalay in ay halkaas ku ilaaliyaan beeraha xoogga looga haaysto Shacabka.

Inta la xaqiijiyey 37 askari oo uu ku jiro horjooge Mahdi aya dagaalkaas ku geeriyootey halka dhaawaca la sheegay in ay gaarayaan 43 askari, waxaana lagu soo waramayaa in xerada Maleeshiyadii ku jirey ay ka badbaadeen tiro yar oo qoryaha tuurey.

Dhaaweaca iyo dhimashada ayaa lagu qaadey gaadiid Caasiyaal u badan si loogu qaado diyaarado kasoo degay Garoonka diyaaradaha degmada Nambar 50.

Dhinaca kale waxa jira Maleeshiyaad tobaneeyo gaaraya oo la la’yahay, islamarkaana aan lagu haaynin dhawaac iyo dhimasho, kuwaas oo la tuhunsanyahay in ay u gacan galeen arxan laabayaasha Alshabaab.

Gaadiidka lagala wareegay Xerada ayaa gaaraya ilaa 13 gaari oo isugu jira 7, Cabadibilayaal oo ay saaranyihiin qoryaha lidka diyaaradaha ah, laba gaari oo kuwo lagu qaado Ciidanka oo loo yaqaano PG-, hal xabo Daba-dhiibato ama dhuun iyo hal gaari oo uu saarnaa qori labada dhuumoodka ah ee loo yaqaan Zuu,hal gaari oo booyad ah iy hal gaari oo kuwa aan xabadda karin ah ee loo yaqaan Gaar-gaay.

Dagaal ooge Liibaan Madaxweyne oo deegaanka Bariire loo dejiyey in uu ilaaliyo dhul beereedka xoog ay ku haaystaan Mooryaanta Beeraleyda isku sheegta ayaa la kulmay dharbaaxo kulul.

Waxaan soo gudbin doonnaa weerarkan lagu qaadey Bariire ee lagu qaatey Gaadii badan oo dowladda ay ugu talagashey in Cadowga lagula dagaamo iyo weerarkan oo u eg weerar shirqool ahaa oo horey uga dhacey Xerada Laanta buuro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE