Dagaal Ooge Liibaan Madaxweyne Oo Shan Horjooge Ku Waayey Dagaalka Shalay Lagu Naafeeyey Maleeshiyadiisa (Xog)

Khasaarihii ugu cuslaa ayaa shalay soo gaarey Maleeshiyaad Isbaarooley ahaa oo loo abaabulay dagaal ooge Liibaan Madaxweyne, si ay u ilaaliyaan dhul beereed si xoog ah loogu haaysto deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Khasaaraha soo gaarey ka sokow waxa dagaalkaas waxa ay ku waayeen gaadiid dagaal iyo hub cuslus oo ku talagalka uu ahaa in lagu gumaado Shacabka, laakiin ujeedadii meesha loo tagay iyo dugsashadii laba kaarlayaal Shabaab ah ayaa dhexda ka baxdey.

Xog ay heshay Shabakadda Markacadey.com ayaa xaqiijisey in saraakiil shalay ay ku quur baxeen weerarkii lagu soo af jarey Mala-awaalkii Liibaan Madaxweyne iyo Tuugada Beeraha xoogga ku jooga.

Cadowga Shabaab oo naafeeyey Cadow kale oo aan arxan laheyn ayaa ah hadal haayta ugu badan ee ka jirta Gobolka Shabeelada hoose, waxaana dagaalkii shalay loo arkaa in wajiyo kale ay yeelan doonaan qorshayaasha dhul boobka ku dhisan ee laga wado Shabeelada hoose.

Horjeege Mahad dul-dheer oo heyb ahaan ay is xigaan Liibaan Madaxweyne ayaa ahaa horjoogihii Ciidamada Danab oo fariisin ku lahaa Deegaanka Bariire, shalay aroortii ayaa lagu dilay weerarkii dhacey.

Horjoogayaasha kale ee lagu dilay dagaalka ayaa waxa ka mid ah Maxamed Cali, Cali Xasan, Faarax yare iyo Xuseen maxamuud Caddaan, horjoogayaashan ayaa howlo kala duwan qaabilsanaa, hase ahaatee dhagartooda ayaa lagu soo afjarey dagaal barakabeel ahaa oo shalay ay la kulmeen.

Dagaal ooge Liibaan Madaxweyne ayaa markii dagaalka uu dhacaaayey ku sugnaa Xaafadda Haanta dheer ee magaalada Muqdisho, waxaana dhegaha uu kala socdey xasuuqa maleeshiyadiisa.

Wxaaan idin soo gudbin doonnaa Warbxin Shirqoolkii Laanta Buuro iyo Sheekadii Bariire

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE