Gudoonka Baarlamaanka Galmudug Oo Soo Magacaabay Gudiga Doorashada Madaxweynaha Bedeli Doona Xaaf

Xildhibaanada Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug ayaa goordhow oo maanta ah ku dhawaaqey Gudiga doorashada Madaxweynaha bedeli doona Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Baarlamaanka oo 26-kii bishan xilka ka qaadey Madaxweynihii hore ee Maamulka Xaaf ayaa magacaabay Gudi ka kooban ilaa 13, xubnood oo Baarlamaanka laga soo xulay, iyadoo lagu wado in ay iska dhex doortaan Gudoomiyaha Gudiga doorashada Madaxweynaha.

Sida uu dhigaayo sharciga Baarlamaanka ayaa muddoo 30 cisha ah u haaysta in ay soo doortaan madaxweynihii bedeli lahaa kan ay xilka ka qaadeen hase ahaatee waxa weli jira ku adkeysasho oo Xaaf uu ku adkeysanayo in uu yahay madaxweynaha weli talada haaya.

Cadaado oo khilaafaad ay hareeyeen ayaa waxa ka jira jahawareer siyaasadeed, waxaana ku sugan xildhibaano labada aqal ee baarlamaanka fedaraalka ka mid ah oo lagu eedeyey in ay qeyb ka yihiin jahawareerka ka dib markii ay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is haya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE