Janaraal Cabdulaahi Waafow Iyo Gudoomiye Maxamed Yariisow Oo Maanta Ka Degay Magaalada Baydhabo Janaay (Sawiro)

Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta waxa gaarey Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed Waafow iyo Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow).

Labadan mas’uul oo maalmihii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaas oo shirar kala duwan oo wadatashiyo ah ay kula lahaayeen siyaasiyiin, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Safarka ay ku gaareen magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in dhameystir uu u noqdo shirar iyo kulamo u socdey Janaraal Waafow iyo Maamulka Koonfur galbeed, kuwaas oo loogu tashanaayey sidii xal loogu gaari lahaa khalalaasha Gobolka Shabeelada hoose.

Mas’uuliyiintan ayaa magaalada Baydhabo waxa kusoo dhaweeyey Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Xasan Fiqi, Wasiirka Amniga Xasan Eelaay iyo Wasiiradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Marwo Binti Ibraahim Cali.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE