Janaraal Waafow Iyo Gudoomiye Yariisow Oo Magaalada Baydhabo Kula Kulmay Saraakiil Boliis Ah (Sawiro)

Magaalada Baydhabo Janaay ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa maanta gaarey Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed (Waafow) Iyo Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow), waxaana halkaas uga bilowdey kulamo ay la qaadanayaan Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur galbeed iyo Saraakiisha Amniga.

Kulamada ayaa waxa leysaga xog wareysanayeey xaaladda Gobolka Shabeelada hoose, iyo sida looga guuleysan karo Maleeshiyada nabad diidka ee kooxda Alshabaab, oo is hortaag ku sameeyey in horumar ay ku talaabsadaan degmooyin ka tirsan Shabeelada hoose.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa Janraal Waafow iyo Gudoomiye Yariisow waxay la kulmeen Saraakiil Boliis ah oo loo carbiyey qaar ka mid ah degmooyinka Shabeelada hoose, si ay usoo celiyaan ammaanka iyo heykalka dowladeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE