Ku Dhawaat Labaatan Xildhibaan Oo Cadaado Ku Shirey Ayaa Sheegay In Ay Xilkii Ka Qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug (Sawiro)

Ku dhuwaad Labaatan Xildhibaan oo ka tirsanaa maamul Goboleedka Galmudug ayaa shir caawa ay ku yeesheen magaalada Cadaado ku shaaciyey in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Sawiro laga helay hoolka shirka uu ka dhacey ayaa waxa soo xaadirey xildhibaano tira yar, iyadoo uu horfadhiyey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Sida ay qoreen warbaahinta Shirka waxa fadhida afar ruux oo aan Xildhibaano ahayn sida, Madaxda Canshuuraha ee Koontaroolada Galmudug, Darawalkii hore ee Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf, Aagaasime ku xigeenka Madaxtooyada Galmudug iyo Ciise Sarag oo magaalada laga wada yaqaano.

Arrintan ayaa u muuqata mid uga sii dareysa khilaafkii siyaasadeed ee markii horeba ka jiray Galmudug,  madaama horay sidan oo kale xildhibaanno ugu shiray Cadaado ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Xaaf.

Go’aamada ka soo baxay labada dhinac ee iska soo horjeeda ayaa u muuqda kuwo meesha ka saaraya gabi ahaanba jiritaanka maamulka Galmudug oo dhinac walba uu sheeganayo in uu xilka ka qaaday mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE