Wasiirada Jubbaland Oo Ka Shirey Sida Laga Yeelayo Shirka Maamul Goboleeyada Iyo Dowladda Fedaraalka Iyo Duqeymihii Ka Dhacey Gedo (Video)

Shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Jubaland, isalamarkaana uu shir gudoominayay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Ma’xed Islaam ayaa looga hadlayay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin, sharciyo ay goluhu meelmariyeen, shirka lagu qaban doono Kismaayo ee ay isugu iman doonaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, duqeeymo ay dad rayid ah ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Gedo iyo arimo kale.

Shirka markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE