Akhriso Wareegtada Xaaf Oo Iska Soo Daba Dhaceysa Iyo Deegaanada Galmudug Oo Xaalad Deg Deg Ah Lagu Soo Rogey

Waxa weli iska soo daba dhaceysa wareegtada laga soo saarayo Xafiiska Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo dhawaan xilka ay ka qaadeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Wareegtada maanta soo baxdey ayaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sheegay in xaalad deg deg ah uu kusoo rogey guud ahaan deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha muranka uu jiro xilkiisa ayaa amar ku siiyay Ciidamada kala duwan ee maamulka Galmudug in ay fuliyaan amarada kasoo baxa Xukuumadiisa ee lagu xaqiijinayo amaanka iyo jiritaanka maamulka uu hogaamiyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE