Horjoogaha Maleehsiyada Guuto Seddaxaad Oo Isku Day Dil Ka Badbaadey

Horjoogaha Maleeshiyada Guuto seddaxaad Aadan Laba afle ayaa goor dhow ka badbaadey isku day dil ka dib markii gaari uu saarnaa lala eegtey aalado loo adeegsado waxyaabaha qarxa.

Gaari Ciidan oo uu saarnaa horjooge Laba Afle ayaa maareeyey xilligaa la qarxiyeey inta u dhaxeysa deegaanada Tareedisho iyo deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sid ay ku waramayaan dad goob joog ahaa waxa burbur xoog leh uu soo wajahay gaariga qarax lala eegtey, iyadoo dhawcyo kala duwan ay soo gaareen maleeshiyada istaafka u ahaa horjoogaha, mana la sheegin wax dhimasha ah oo qarax ka dhashey.

Dhaawacyada maleeshiyaadka ayaa waax la gaarsiiyey Isbitaal Madiina oo inta badan la geeyo maleeshiyaadka Hawiye u dagaalama, eek u waxyeelooba dagaalada iyo qaraxyada.

Guuto Seddaxaad oo horey uu horjooge u ahaa Goobaal ayaa ku halaagsamey qarax ismiidaamin, hase ahaatee xilkiisa ayaa lagu wareejiyey Aadan Laba afle oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Gobolada dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE