Howlgal Qorsheysan Oo Ka Dhacey Degmada Dharkiinley Ayaa Lagu Soo Qabtey Waxyaabo Loo Adeegsado Qalqal Gelinta Amniga (Sawiro)

Ciidamada Boliiska ayaa maanta soo bandhigey agab ay kusoo qabteen howlgal qorsheysan oo ka dhacey degmada Dharkiinley ee magaalada Muqdisho.

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Boliiska ay ka sameeyeen degmada Dharkiinley ayaa soo qaabtey alaab isugu jirta, maan dooriye, taargooyinka baabuurta, dares Ciidan iyo bistoolado.

Waxyaabaha lagu soo qabtey howlgalkana ayaa waxa lagu soo bandhigey dugsiga tawabarka Janaraalk Kaahiye, iyadoo ay halkaas goob joog ahaayeen Saraakiil Boliis iyo Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE