Maleeshiyada Kooxda Alshabaab Oo Habeenkii Labaad Weerar Madaafiic Ah Ku Qaadey Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Deegaanka Bariire

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose caawa waxa weerar loo adeegsadey  madaafiic ah kusoo qaadey maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Sida ay noo xaqiijiyey Saraakiisha Guutada Ciil tire oo uu hogaamiyo Janaraal Sheegow, Madaafiic dhinaca galbeed laga soo tuurey ayaa kusoo dhacdey banaanka Xerada Ciidanka oo ku taala Bariga deegaanka.

Madaafiicda oo is xig xigey ayaa la sheegayaa in loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo Ciidamada dowladda Fedaraalka ee fariisinka ku leh qeybo ka mid ah deegaanka Bariire halkaas oo bishii Agosto ay la wareegeen.

Caawa ayaa la sheegayaa in Ciidamada dowladda ay dhankooda rasaas culus kaga jawaabeen madaafiicda lagu soo weerarey, waxaana jirey sida la sheegay dagaal kooban oo dhinacyada halkaas ku dhex marey.

Habeenkii xalay ayaa sidan ookale madaafiic jihooyin kala duwan laga soo tuurey ayaa waxa lagu weerarey saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Deegaankan ayaa markii ay la wareegeen Ciidamada dowladda fedaraalka  waxa ay degeen laba saldhig oo ku kala yiilley dhinaca Bari iyo dhinaca Galbeed, iyadoo maalintii jimcaha Saldhigii ku yiilay dhinaca galbeed la laayey Ciidamada degenaa, halka la qaatey gaadiid dagaal oo xerada yiilay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE