Dhageyso Jahawareerka Galmudug Oo Waji Kale Yeeshey Iyo Madaxda Maamulka Oo La Ayidey Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyey

Maxkamadda Maamul Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay sharci tahay xil ka qaadistii saddexda mas’uul ee ugu sarraysa maamulkaasi ee kala ah Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carrabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Maxkamdda ayaa magacawday in guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maxamed Axmed Maalin uu noqdo Ku simaha madaxweynaha, inta laga soo dhameystirayo Maamulka intiisa kale.

Dhinaca kale Axmed Xaaf ayaa ka hor yimid maxkamad sare isagoo ku sheegay in Galmudug weligeed aan laga magacaabin, isla markaana Gudoomiyaha maxkamadda uu ku sheegay in aanu jirin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE