Faafaahinno Kasoo Baxaya Qarax Miino Oo Sababey Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacey Inta U Dhaxeysa Bariire iyo Nambar 50

Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada Hoose, ayaa sheegaya in qarax Miino uu haleelay Gaari nooca yar yar ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Ururka Socdaal ee Maamulka Degmada Nambar 50.

Gaariga oo sida la sheegay kusii jeedey dhinaca deegaanka Bariire ayaa ka amba baxey Degmada Nambar 50, waxaana saarnaa Abaaduuliyaha Ciidamada Maamulka Deegaanka iyo Askar kale.

Sida aan ku heleyno warbxinta Col Diite ayaa maanta laba jeer tagey Saldhig Ciidan oo ku yaalla Bariire, halkaas oo ay ku suganyihiin Ciidamo wadashaqeyn kala dhaxeysa.

Wax yar ka hor salaadda Maqrib ayaa gaariga uu watey Col Diite waxa haleeshay Miino lagu aasey wadada dhinaceeda, waxaana gaariga ay ka haleeshey qeybaha dambe.

Waxa halkaas ku geeriyoodeey Allah u naxriistee hal askari oo abaan duulaha la socotey halka ay dhaacmeen afar kale oo uu ka midyahay Col Diite, iyadoo dhaawacooda naloo sheegay in uu fudud yahay.

Askarta dhaawaca uu soo gaarey ayaa waxa ka mid ah askari ka tirsanaa Ciidamada Janraal Sheegow oo fasax u joogey Nambar 50, halkaas oo ay ku noolyihiin qaar ka mid ah Eheladiisa.

Ciidamada Maamulka Nambar 50 ayaa sahlay in ay isku furanto isku socodka wadada u dhaxeysa Bariire iyo Nambar 50, iyadoo ay jiraan cabsida maleeshiyada Kooxda Alshabaab oo ku sugan meel aan ka fogeyn wadadaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE