Dhageyso Hogaamiyaha Koonfur galbeed Oo Hanjabaad Dadban U Direy Xildhibaano Ku Lug Leh Mooshin Laga Keenay

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay Federaal, isagoo ka digay in inay jiraan shaqsiyaad ku howlan in la baabi’iyo maamulada Federaalka.

Shariif Xasan oo shalay Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Baydhabo, kaddib markii uu dib ugu laabtay ayaa ugu baaqay dadka reer Koofur Galbeed in labada gacmood ku qabsadaan maamulkooda.

Tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa waxaa uu saameynta ugu weyn ku yeeshay nidaamka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowlad goboleedyada ay ka soo hor-jeesteen mowqifkii dhex dhexaadnimada ay qaadatay dowladda Federaalka, waxaana go’aano dhowaan ka soo baxay dowlad goboleedyada ay ku taageereen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE