Dhageyso Haramcad Dad Cun Oo Maanta Weerar Ku Qaadey Xaafad Ka Mid Ah Degmada Wanla-weyn Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa maanta waxa weerar kusoo qaadey sida la sheegay Haramcad dad cun ah oo la garan waayey halka uu ka yimid.

Xaafadda Caanoole oo Wanlaweyn ka tirsan ayaa qoys ku dhaqnaa uu soo weerarey isagoo ka dilay hal qof oo cunug yar ahaa, isagoo dhaawacey shan ruux oo isla qoyskaas ka tirsanaa.

Hadal heynta ugu badan ee maanta ka jirta Degmada Wanlaweyn ee galbeedka Shabeelada hoose ayaa ah weerarka uu soo qaadey Haramcadka dad cunka ah ee dilay hal ruux halka uu dhaawacey shan reuux oo kale.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE