Maleeshiyada Alshabaab Oo Weerar Jihooyin Kala Duwan Ah Ku Qaadey Fariisin Ciidan Oo Ku Yaalla Deegaanka Bariire

Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacey weerar hubeysan oo ay soo qaadeen maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka Alshabaab ayaa dhowr jiho ka weerarey fariisin Ciidan oo Ciidamada Milateriga ay ku leeyihiin Bariire, waxaana labada dhinac dhex marey dagaal kooban oo leysku adeegsadey hubka culusu.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Bariirer ku sugan ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar maleeshiyada Alshabaab ay kusoo qaadeen fariisimiyaal ay ku sugnaayeen, waxaana ay ka gaabsadeen in ay faafaahin ka bixiyaan khasaaraha goobta ka dhashey.

Baraha wararka ay ku faafiyaan Alshabaab ayaa lagu baahiyey in maleeshiyadooda ay guullo ka gaareen dagaalka Bariire ka dhacey, sidoo kale waxa ay sheegteen in toogasho ay dhacdey weerarka ka hor oo lagu qaraajiyey askar dowladda ka tirsan.

Deegaanka Baiire ayaa weeraro iyo qaraxyo joogta ah lagu haayaa, iyadoo bisha Agosto ee sanadka ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE