Mooshinka Shariif Xasan Laga Wado Oo Awood Yeeshay Iyo Xildhibaanada Koonfur galbeed Oo Balanqaadyo Muhiim Ah Loo Sameeyey (Xog)

Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxa yaalla guuxa Mooshin la sheegay in laga wado hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Arimaha la xiriira mooshinkan ayaa soo if baxey ka dib markii Shariif Xasan uu taageerey xulafada Sacuudiga oo go’doomiyey dowladda Qadar, go’aankaas oo dhex dhexaad ay ka noqotey Dowladda Fedaraalka.

Xiisad ka dhalatey go’aankii Shariif ayaa waxa dhaliiley Siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur galbeed kuwaas oo wadiiqo ama wado u helay in ay xasarado ku kiciyaan Hogaamiye Shariif oo dhowr jeed oo hore loogu fashilmay Mooshinno laga keenay.

Baarlamaanka Koonfur galbeed oo fasax ku maqan ayaa furado loogu helay si loogu qanciyo inay Mooshin ka diyaariyaan Shariif si xilka looga qaado, waxaana arintaas sida la sheegayo dabada ka riixaya siyaasiyiin ku xiran Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Xildhibaanada ayaa loo balan qaadey lacag u dhaxeysa 12,000 ilaa 1500, si ay meel mariyaan xil ka qaadista Shariif oo loo arko shakhsiyaadka ugu galaangalka badan marka laga hadlaayo kala fur furka xiisadaha.

Sida aan kasoo xiganay ilo xog ogaal ah xildhibaan kasta oo ka qeyb qaata Mooshinka Shariif ayaa lasiin doonaa lacag horu dhac iyadoo dhameystirka lacagtaasi la sheegay in ay noqon doonto marka ay saxiixaan warqadda xil ka qaadista.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa furmaya 16 ka, bishan socota, iyadoo fadhiga ugu horeeya looga hadli doono Mooshinka, waxa laga shaki qabaa in arimahan ay ka gaabiyaan Gudoonka Baarlamaanka hase ahaatee sida la qorsheeyey looma dhutin doono.

Arimahan oo xoogooda uu ka socdo Magaalada Muqdisho ayaa bartamaha bishan loo wareejin doonaa Baydhabo si howsha halkaas loogu kala tuuro, waxaana ilaha aan warbxintan kasoo xiganay ay sheegeysaa in xaalka uu ku xunyaha Shariif.

Mooshankan la hadal haayo kii ka horeeyey ayaa Madaxweyne Shariif waxa uu ku guuleystey in uu kala fur furo baarlamaanka oo intooda badan laga dhigay qaar xilal loo balan qaado iyo kuwo lacago loo balan qaado.

Waxaan soo gudbin doonaan xogo kale oo dheeraad ah oo k usaabsan Mooshinka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE