Wasiirada Xukuuamdda Soomaaliya Oo Xilka Qaadey Xisaabiyihii Dowladda, Mid Kalana Magacaabay

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay xil ka qaadis ku sameeyeen  Xisaabiyihii guud ee Qaranka.

Wasiirada ayaa marka hore ka doodey soo jeedinta Xil Ka qaadista  Xisaabihii guud ee qaranka Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji), iyadoo soo jeedintaasi ay aqbaleen Golaha Wasiirada, Isla  kulankaas ayaa waxa xilka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Loogu magacaabay Marwo Faadumo Cusmaan Faarax.

Wasiirada Soomaaliya ayaa sidan oo kale marar badan xilka uga qaaday masuuliyiin kala duwa uu ka mid ahaa Hanti Dhowrihii Qaranka mid cusubna magacaabay, waxaana isbadaladan Xukuumada sameysay si weyn usoo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE