Xildhibaan C.rashiid Xidig Oo Fariin Kulul U Direy Axmed Macalin Fiqi “Waa Ayaan Daro In Aad Ku Faantid In Beeshaada Ay Dumisey Dowladdii Kacaanka”

Iyadoo Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi uu jeediyey hadal u muuqda in dalka Soomaaliya dib loogu celinaayo dagaaladii Sokeeye iyo kala qeybsanaantii inta aan dalku yeelan Dowlad ayaa hanjabaad u direy Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Fiqi ayaa u hadlay sida nin difaacaya Beesha qaswadayaasha ah, waxaana muuqaalkiisa uu ku sheegay in Farmaajo aanu ogeyn in dowladdii dhexe ay ridey Beeshiisa, hadalkaas oo u dhigma in waxba aanay la aheyn in ay xilka ka tuuraan Dowladda Farmaajo.

Xildhibaan C.rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa hadal uu ku difaacayo Madaxweyne Farmaajo soo dhigey bartiisa Facebooka, isagoo sheegay in Madaxweynaha la dhaliili karo hase ahaatee aan loo hanjabo karin.

Xildhiban Xidig ayaa marka hore ayaan daro ku tilmaamey in Shacabka Soomaaliyeed la xusuusiyo Utintii uu ku reebay dagaaladii sokeeye iyo in lagu faano in Beesha Xildhibaan Fiqi ay ridey dowladii Kacaanka.

Hoos Ka Aqriso Faeiinta Xidhibaan C.rashiid Maxamed Xidig

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE