Computer Si Aan La Rumeysan Karin U Saadaaliyey Cidda Ku Kuuleysaneysa Koobka Premier League Iyo Kaalimaha Ay Kala Geli Doonaa Kooxaha

Xogaha ay aruuriyeen warbaahinta caalamka ayaa ka dhigeysa in Computer-ka uu helo xogo badan oo ku saabsan kulamadii ay kooxda ciyaartay, goolasha ay dhalisay iyo kulamada kusoo fool leh, taas ayaana u sahashay inuu sameeyo saadaal mustaqbalka fog ah.

Kaliya 7-kulan ayaa la ciyaaray, kooxaha qaar waxey ku bilowdeen si qurux badan, halka kooxaha qaar aysan u aheyn bilow fiican, balse saadaashaan waa mid aan ka wada farxin jamaahiirta kooxaha waaweyn.

Sida saadaasha ay noqotay Arsenal ayaa la filayaa iney ku dhameysato meel ka hooseysa kooxda Burnley taasoo ka dhigan iney weyn karto dhamaan tartamada yurub, sidoo kale Kombiyuutarada waxey saadaaliyeen in Pep Guardiola uu ku guuleysan karo horyaalka Premier League markii ugu horeysay.

Dhanka kale Crystal Palace, Bournemouth iyo Swansea City ayaa ka dhici doona horyaalka heerka koowaad kuwaas oo bilowgii ugu xumaa mudooyinkii ugu dambeeyay sameeyay, taasna waxey cabir u noqotay iney helaan saadaal liidata.

Saadaasha waxey sheegtay in Manchester City ay farqiga goolasha ku qaadi doonto horyaalka isla markaana ay min 103 isla imaan doonaan kooxda Manchester United.

Sidoo kale Chelsea ayaa booska sadexaad lasoo istaagi doonta 77-dhibcood, halka Spurs ay 70-dhibcood keensan doonto – waana farqi aad u kala fog taasoo aysan cidi aqbali karin marka la fiiriyo ineysan wali is wajahin kooxaha waaweyn.

Reds waxey u saadaaliyeen booska 5-aad iyadoo keensaneysa 58-dhibcood, halka Gunners ay booska 8-aad la tagi doonto 51-dhibcood.

ISHA LAACIB.NET

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE