Dhageyso Madaxweynaha Koonfur galbeed Oo Shir Aan La Diidi Karin Ku Tilmaamey Shirka Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Magaalada Baydhabo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka degay magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo Shir uu ku dhawaaqey Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku baaqey in laga soo wada qeyb galo.

Shariif ayaa marka hore sheegey in shirkan ka qeyb galkiisa aanay diidi karin Madaxda Maamul Goboleedyada, ayna qasab tahay in la wada yimaado, isagoo tilmaamey in shirkan uu muhiimad gooni ah u leeyahay.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno Wasiiro iyo Xildhibaano uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan shirka maalinta berito ah ka furmaya Kismaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE