Dhageyso Warbixin Dowladda Sacuudiga Ayaa Hub Culus Ka Iibsaneysa Ruushka

Dowladaha Ruushka iyo Sacuudiga ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis dhinaca hubka ah oo ay Moscow uga iibineyso gantaalada nidaamka difaaca cirka xukuumadda Riyadh.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Mareykanka iyo Sacuudiga ay dhawaan kala saxiixdeen heshiis dhinaca hubka ah oo ku kacaya 15 bilyan oo doolarka Mareekanka ah.

Xeel dheerayaasha bariga dhexe ayaa rumeysanin heshiiska dowladaha Ruushka iyo Sacuudiga uu saameyn ku yeelanayo mandiqada Bariga Dhexe oo hada ay ka aloolsantahayxalado dagaal.

Xiriirka Ruushka iyo Sucuudiga ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid yar, Waxaana la sheegay inuu Sucuudigu Dareemay inaan Maraykanku u istaagin Halkii ay Rabeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE