Janaraal Cabdulaahi Waafow, Gudoomiye Yariisow Iyo Madaxda Maamul Koonfur galbeed Oo Shir Ku Yeeshay Magaalada Baydhabo (Warbixin)

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxa safar ku jooga mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Janaraal Cabdulaahi Cali Axmed (Waafow) iyo Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow.

Labadan mas’uul ayaa magaalada Baydhaba u jooga sidii wadatashi ay uga sameyn lahaayeen arimo ku saabsan Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo Koonfur galbeed weli laga la’yahay in isbedel ku samaayo nidaamka hada jira.

Sida aan ku heleyno warbixinno Habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay waxa jirey shir ay ka wada qeyb galeen Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan, Wasiirka Beeraha iyo waraabka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiradda Gargaarka iyo musiibooyinka iyo Wasiirka ku xigeenka arimaha gudaha K/glabeed oo isku dhinac ah iyo Janaraal Waafow iyo Gudoomiye Yariisow.

Shirkan ayaa waxa diiradda lagu saaraayey qodobo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, Colaadda Alshabaab iyo horumarka  Shabeelada hoose.

Mas’uuliyiinta qaar ayaa laga soo xigtey in is faham laga gaarey arimaha ku saabsan dib u heshiisiinta, oo sida la filaayo dhawaan shir lagu qaban doono magaalada Muqdisho, waxaana weli taagan arimaha colaadda Alshabaab iyo horumarka Gobolka.

Dadka qaar ayaa sheegay in isbedel deg ah lagu sameen doono Maamulka Marka oo jahawareer uu ka jiro, iyadoo xog hoose ay sheegeyso in maamul ku meel gaar ah la dhisi doono.

Madaxada ayaa ka gaabsatey in warbaahinta ay la wadaagaan shirarka iyo arimaha ay u tageen Magaalada Baydhabo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE