Mas’uuliyiin Dowladda Ka Tirsan Iyo Saraakiil Ciidan Oo Maanta Ka Qeyb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Badmaceeye (Sawiro)

Qaar ka mid ah Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay aas qaran oo magaalada Muqdisho loogu sameeyey Janaraal Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye).

Ra’iisul Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil ciidan iyo rag kaloo siyaasiyiin ah ayaa ku tukadey Salaadda Janaasada ee Marxuum Badmaceeye oo dhawaan ku geeriyoodey Dalka Mareekanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qarabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE