Qeyb Ka Mid Ah Cunaqabateyntii Saarnayed Suudaan Oo La Qaadey Iyo Dowladda Suudaan Oo Soo Dhaweysey

Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ka qaadayso cunoqabatayn dhaqaale oo ay ku soo rogtay dalka Sudan, Taasi oo ku timid dadaalo muuqda oo ay Sudan ku xalisay dhibaatooyin ka jira dalkeeda.

Mareykanka ayaa ka qaadista cunaqabateynta u cuskaday in Sudan ay xalisay dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeeda.

Waxa ay sheegtay in weli Sudan ay u taagan tahay xal u helida khilaafaadka ka jira Gobolka iyo weliba halista argagaxisada.

Heather Nauert oo ah Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa sheegtay in cunoqabataynta si rasmi ah loo qaadi doono 12ka bishan Octobar 2017.

Dhinaca kale Suudaan ayaa sheegtay in arintaani ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horumarka, waxeyna intaasi raacisay in lagu soo beegay xili munaasib ah.

Talaabadan ayey Suudaan sheegtay in ay kaalin weyn ka qaadaneyso horumar iyo koboc uu sameeyo dhaqaalaha Suudaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE