Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Kormeer Ku Tagey Warshadda Lacagta Ee Dalka Suudaan (Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Warshadda lacagta sameysa ee dalka Sudan, iyadoo dowladda Soomaaliya qorsheyneyso inay lacag cusub soo daabacato.

Kormeerka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo qeyb ka ah wafdigiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qeyb qeyb u kormeeray warshada lacagta, gaar ahaan keyd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya.

Lacagta xilligan ka jirta Soomaaliya oo ah mid duugowday ayaa ah lacag 1,000 shiling Soomaali ah, mana jirto wax ka yar iyo wax ka weyn lacagtaas ee laga isticmaalo Gobolada Soomaaliya, waxaana ay qarka u saaran tahay in lacagtaas ay suusho, maadaama ay duugowday.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE