Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Oo Caawa Ka Furmay Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka jira dalka ayaa caawa maqribkii si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar u ah Maamul Goboleedka Jubbaland.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhamaan shirkan goob joog ka ah, waxaana sidoo kale jira Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulada dalka oo ka qeyb galaya shirka Kismaayo ka furmay.

Waxa jira warar sheegaya in shirka Kismaayo ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka labada aqal ee dowladda Fedaraalka oo lagu marti qaadey madasha si ay goob joog uga noqdaan doodaha lasoo bandhigi doono.

Caawa ayaa shirka wuxuu u furmay si hordhac ah, iyadoo halkaas madaxda qudbado ay ka jeedin doonaan, waxaana lagu wadaa in maalinta berita ah uu sii socdo shirka oo la guda gali doono ajandaha shirka horyaalla.

Waxa la xanibay dhamaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Kismaayo si loo xaqiijiyo amaanka magaalada oo marti gelineysa shirka madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE