Agaasimihii Waaxda Shaqada Iyo Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka Oo Lagu Dhaawcvey Magaalada Muqdisho

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu weeraray meel ku dhow halka ay iska galaan degmooyinka Dharkiinley iyo Wadajir.

Dhaawaca Agaasimaha oo ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan ayaa sarkaalka xabado ay uga boobeen dhinaca Garabka xilli uu ku sugnaa goob shidaal laga iibiyo, isagoo doonaayey in garigiisa uu shidaal ku shubto.

C/laahi Shiikh Cumar oo ka dhaawacmay garabka ayaa waxa loo qaadey goobaha Caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana sida caadada aheyda halkaas ka baxsadey kooxihii dableyda ahaa ee falka ka dambeeyey.

Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa noqotey meesha ugu badan ee laga geysto falalka amni xumo ee lagu waxyeelooyo dadka u shaqeeya dowladda iyo shaqaalaha rayidka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE