Dhageyso Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre Oo Sheegay In Baarlamaanka Uu Weli Horyaallo Sharciga Musuqmaasuqa, Isagoo Codsadey….

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyrre oo Xalay ka hadlay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu Horyaallo Sharciga la dagaalanka Musuq Maasuqa,waxaana uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay Sharcigaas meel mariyaan.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa sheegay in Xukumaddiisu ay la dagaalami doonto Musuq Maasuqa islamarkaana ay dar dar gelin doonto la dagaalanka Musuq Maasuqa, Wuxuuna xusay in lasoo Xidhi doono Qofkii lagu helo Arintaasi marka la meel mariyo.

Soomaaliya ayaa lagu diriyaa Dalalka Safka hore uga jira Wadamada uu Ragaadiyay Musuq Maasuqa,waxaana Dowladda Federaalka ee uu Hogaamiyo Madaxweyne farmaajo ay sheegtay in Musuq Maasuqa ay la dagaalami doonto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE