Dhageyso Wararkii Ugu Dambeeyey Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada ee Xalay Ka Furmay Magaalada Kismaayo

Magaalada Kimaayo waxa xalay ka furmay shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ka jira dalka, waxaana furitaanka shirka khudbado kala duwan ka jeediyey dhamaan madaxda.

Qaar ka mid ah madaxda ayaa beeniyey oo meesha ka saarey hadal heynta ku saabsan shirka in ay kasoo bixi doonaan qodobo looga soo horjeedo dowladda iyo kuwo wax u dhimaaya qarannimada dalka.

Sidoo kale madaxda qaar ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii wax looga qaban lahaa khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanta siyaasadda dalka, waxaana ay ku nuuxnuuxsadeen in ay yihiin madax hoos tagta dowladda fedaraalka.

Sida ay u hadleen madaxda qaar iyo halka uu gaarsiisanayahay khilaafka jira ayaa waxa kuusoo baxaya in madaxda ay qarinayaan waxa leysku haaysto iyo waxa keenay khilaafka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE