Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Wasiir Cabaas Sheekh Siraaji Oo Laga Yaabo In Uu Ka Badbaado Tiirka Iskool Boliisiyo (Xog)

Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku waramaya in laga yaabo in Cafis loo fidiyo Gacan ku dhiiglihii sida bareerka ahaa u diley Allah u naxriistee Marxaam Cabaas Sheekh Siraaji oo ka mid ahaa Xukuumadda Soomaaliya.

Xogta aan heleyno ayaa sheegsa in Maxdaweyne Maxamed Cabdulaahi Faraajo lagu cadaadiyey in uu baajiyo qisaasta Gacan ku dhiigle Caydiid oo laba jeer lagu xukumay xukun dil toogasho ah.

Ehelada Marxuumka gaar ahaan hooyada dhashay ayaa diidey in cafis loo fidiyo Gacan ku dhiiglihii indhaha tirey ee nolosha dhaafsiiyey Wiilkeeda, waxaana laga yaabaa in arintan saameyn ay ku yeelato kalsoonida madaxda qaran.

Beesha uu ka dhashey Gacan ku dhiigle Caydiid ayaa dhowr jeer oo horey warbaahinta ka sheegtey in ay badbaadin doonaan wiilkooda oo xabsi u galay dilka Wasiir Cabaas oo lagu dilay Madaxtooyada horteeda.

Hadii uu run noqdo Cafiska Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu u fidiyey Gacan ku dhiiglahan ayaa waxa lumaya kalsoonida Shacabka cadaalad doonka ah ay ku qabaan madaxda qaran.

Bishii May ee Sanadkan ayaa xilli habeen ah waxa laga war helay in magaalada Muqdisho lagu toogtey Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Soomaaliya oo ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa Wasiirada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE