Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Galmudug Oo Xabsi Guri Laga Dhigey

Xildhibaano ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in xabsi guri laga dhigey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Mas’uulkan ayaa sida la sheegay loo diidey in uu sameeyo wax dhaq dhaqaaq ah iyo in uu ka baxo magaalada, waxaana arintaasi lagu eedeeyey in ay ka dambeeyaan maleeshiyaad ka amar qaata Madaxweynihii xilka laga tuurey ee Axmed Geelle Xaaf.

Maxamed Aadan Macalin ayaa sida la sheegay waxa loogu hanjabay in la dili doono hadii uu ka baxo magaalada uu sameeyo wax dhaq dhaqaaq ah, xilli lagu wadey in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada Madaxweynihii bedeli lahaa kii ay xilka ka tuureen.

Waxa horey xabsi guri loo dhigay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cabdi Carabey, iyadoo khas iyo jahawareer uu ka taaganyahay Cadaado.

Baarlamaanka Galmudug ayaa isku diyaarinaya doorasho ay qabtaan, maadaama xilkii ay ka qaadeen Madaxweynihii hore Axmed Ducaale Geelle Xaaf, walow uu weli ku adkeysanayo in xilka uu haayo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE