Qabqablayaal Iyo Horjoogayaal Xoog Ku Joogey Magaalada Marka Oo Si Dhuumaaleysi U Baxay (Xog)

Qeybo ka mid ah magaalada Marka waxa xoog ku jooga Mooryaan kasoo duushey Gobolada dhexe kuwaas oo u jeedo dhul ballaarsi u jooga Gobolka Shabeelada hoose.

Mooryaanta oo looga itaal roonaadey dagaalada ay la galeen Shacabka deegaanka ayaa markii dambe isku bedelay laba kaarlayaal si ay ula midoobaan Maleeshiyada Kooxda Alshabaab oo hal ujeedo ay ka wada lahaayeen dagaalada Gobolka.

Waxa jirey isku dayo badan oo lagu doonayey in lagu xasiliyo amaanka Magaalada Marka iyo guud ahaan Gobolka, hase ahaatee, waxaa arintaas si dhab u hor istaagi jirey laba kaarlayaal muuqa sare qabiil ka ah oo ku shaqeenaya hadafka kooxda argagaxisada.

Ragaasi waxa ka mid ahaa qab qablayaal lagu magacaabi jirey Xiin, Xasan Yare, Maxamuud Cusmaan Cali (Qaraf) iyo Mooryaan u qaabilsanaa been abuurka iyo niyad dhiska Mooryaanta, waxaana la sheegayaa in ay ka baqeen magaalada oo xilli habeennimo ah ay baxsadeen.

Sababta ka dambeysa in ay baxsadaan ayaa la sheegay iyadoo Taliska AMISOM ee Xerada Ceeljaalle ay si qasab ah u dhex dhigtey Xabad joojin, waxaana taliska uu sheegay in Alshabaab iyo nabad diid uu u aqoonsan doono cidii dhinaceeda rasaas laga soo tuuro.

Horjoogayaasha Alshabaab ee Marka jooga ayaa qab qablayaasha aan kor kusoo xusney ku qabsadey sababta ka liftey in ay qaataan amarka AMISOM,  waxaana ay ku amreen in ay xabad joojinta jabiyaan oo duulaanno hor leh la qaado.

Cabsida ay ka qabaan Alshabaabkii la qaraaban jireen ayaa keentey in ay isaga baxaan magaalada Marka oo habeennimo doonyo ku dhuuntaan, iyadoo safarkaas laga qariyey qaarka mid ah Mooryaanta ay dabka ku shidaan.

Waxa sidoo kale la leeyahay in ay jirto sabab kale oo qab qablayashan ku kaliftey in ay ka baxsadaan magaalada Marka ay tahay markii weerar xasuuq deegaanka Bariire oo lagu laayey maleeshiyaad tira badan oo Habar gidir ay ugu tala gashay in ay ku qabsadaan deegaano kale oo hor leh oo ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose.

Qab qalayaasha qaarkood ayaa waxa u cadaatey in ay luntey kalsoonidii Maleeshiyadii Alshabaab, waxaana usoo baxey ciddii Shabaab arxan ka dhigataa in ay kala kulmi doonto cadaab adag.

Moorayaanka uu dhalay Dagaal ooge C.kariin Shiino ee lagu magacaabo Qoslaaye ee qaabilsanaa been abuurka iyo niyad dhiska Mooryaanta ayaa muddo laba  todobaad ah laga waayey magaalada Marka.

Illo sirdoon oo ku daba jirey Mooryaan Qoslaaye ayaa muuqiisa ka waayey magaalada, baxsadka Mooryaan Qoslaaye ayaa loo sababeeyey laba arin midkood, waa mida koowaade in uu ka mid ahaa ragii AMSOM Ceeljaale tagay iyo inuu ka dhuuntey beeninta heshiiska xabad joojinta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE