Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Bandhigaayey Taageeridda Ciidamada Xoogga (Sawiro)

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigaayey waxyaabaha u qabsoomay Gudiga taakuleynta Ciidamada ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan, Siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano labada gole ka tirsan iyo Ra’iisalwasaaraha ayaa waxa lagu soo bandhigey waxqabadka Gudiga taakuleynta Ciidamada.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goobta ka sheegey in ahmiyad gooni ah ay siin doonaan qalabeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo soo celinta karaamadii uu dalkan lahaan jirey.

Waxa uu sheegey in xukuumadda Soomaaliya labaatan kun oo doolar siin doonto Gudiga taakuleynta Ciidamada, si loo dardargeliyo howsha socota.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE